Tuesday, May 5, 2020

Gabadha ugu dhabcaalsan(bakhaylsan) aduunka|Hayti Giriin

Gabadha ugu bakhaylsan aduunka

Hayti Giriin|Gabadha ugu dhabcaalsan aduunka



 Buuggiisa Al-Bukhlaa, cumar ibnu baxri al-Jaxis wuxuu ka sheekeeyay sheekooyin badan oo ku saabsan nolosha dhabcaalayaasha( bakhaylada) xagga arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo maskaxda, laakiin wuxuu dhintay ka hor inta uusan maqlin sheekada Hayti Giriin, oo ku noolayd dabayaaqadii sagaashameedyadii iyo bilowgii qarnigii labaatanaad, waxay ka mid tahay dadka ugu dhabcaalsan aduunka, hadii aanay ahaynba dhabcaalka ugu daran ee aduunka soo maray.


Giriin waxay ku dhalatay masaajuustis (Massachusetts) ee maraykanka sanadkii 1834 qoys qani ah oo ka tirsan kuwiikarka Masiixiyiinta, caafimaad xumida hooyadeed darteed waxa la noolay oo korsaday carruurnimadeedii awoowgeed, oo ku koriyay qiimaynta iyo ixtiraamto lacagta.
Markay lix jirsatay  waxay u akhrinjirtay wararka dhaqaalaha iyo warbixinnada suuqa saamiyada, markay toban jir ahaydna u ahayd xoghaye awoowgeed, waxayna u qori jirtay waraaqaha waxayna kaqeybqaadan jirtay kulamada ganacsigiisa, ka dibna iyadoo dayar Giriin waxay ku biirtay suuqa saamiyada. waxa lasheegaa in Giriin markii ay jirtay labaatan sano, aabaheed u iibiyay gabadh dhar ah dhar aad u fara badan oo qurux badan ka buuxaan si ay ugu labisato ​​oo ay u hesho nin wanaagsan, laakiin waay iibisay dharkii lacagtii ay ku iibisayna waxay ku maal gashatay  khasnadda dowladda.
Markii aabbaheed dhintey 1865, wuxuu aabaheed dhaxalkiisii oo dhan oo  lagu qiyaasay 5 milyan doolar uga tagay iyada maadaama ilmaha qudha uu dhalay ay ahayd.
sidoo kale inyar ka dib eedadeed oo la odhan jiray seelfiya ayaa dhimatay waxayna labba milyan oo doolar ugu deeqday haayada samafal, se Haytir Giriin ayaa ka hor timid arintaa sheegtayna inay 2milyan eedadeed iyada siisay haayadiina waxkamad soo taagtay iyadoo ku eedaysay waraaqo beena inay wataan eedadeena iyada u saxeexday labbadaa milyoon Waraaqaha saxdaana iyadu hayso maadaama dawlada gacan wayn ku lahayd iyadana ku guulaysatay dacwadii.
Giriin waxay iibsatay dhulal farabadan gaar ahaan dhulalka la  filaayey inuu isku  rogo jidad tareen, sidoo kale waxay amaaho amaahin  jirtay bangiyada loogu talagalay in ay ka amaahdaan dawladaha dhibaatooyinka dhaqaalaha haysto  iyadoo tobon laab in ka badan intay amaasisay faa'iido ah ka qaadi jirtay.
Hayti Giriin garanay inay tahay  gabadh taajirada oo xoolo badan oo maskax badan oo waliba dhinaca ganacsiga aad ugu horaysa taqaanana fursad kaste siday uga faa'iidaysan lahayd.

 

se maxaa Buuga diwaanka aduunka ee giinis ugu magaacay gabadha ugu dhabcaalsan aduunka??

  1. Waxay rumeysnayd in raggu ay damacsanyiin  lacagteeda, sidaa darteed ma aysan guursan illaa 33 jir gaadhay oo ay guursatay Idwaar Heenri  Giriin iyagoo ka saxeexday inaanu xoolaheeda mid ka qaadanay haday nooshay iyo hadii ay dhimataba
  1. Waxay ka tagtay lacag dhan 100 milyan oo doolar oo imika u dhigma 2.5 tiryan hada maaha milyan ama bilyan waa tiryan 2.5 tiryan oo doolar se waxay ku noolaan jirtay guri kira oo waliba kuwa ugu raqiisan ah
  1. Inkastoo xoolaha sidaa u badan lahayd hadana ubadkeedu waxay u xidhi jirtay huudhaydhka (dharka cid hore soo isticmaashay)
  1. Gurigeeda waxa lagu cuni jiray oo lagu karinjirayba nooc qudha oo cunta ah oo iyadu gacanteeda ku  karin jirtay iyadoo iska diidaysay in lacag badan kaga baxdo cuntada
  1. Sidoo kale gurigeeda lagama istismarlı jirin biyo diiriyaha deegaanada baraf layda ah isticmaalaan iyo lacagta badan uu soo qoro diidi jirtay
  1. Dharka iyadu waxay  lahayd isku joog qudha oo ahaa toob madaw iyo koofiyad kalba halka ka ustagoodana way maydhijirtay 
  1. caafimaad ahaana waxay u tagi jirtay meelaha dadka faqiirkaa een lacagta haysan lagu daweeyo

Waxa kale oo la sheegay in mar in wiilkeeda dhaawac ka soo gaadhay lugta oo  jabtay lugtu kadibna gaysay xarun caafimaad oo bilaash ah, lkn markii dhakhaatiirtu aqoonsadeen oo ay garteen inay Giriin tahay ka codsadeen inay bixiso kharashka daaweynta wiilkeeda, se si fudud uga tagtay oo wiilkii guriga ku celisay uga tagtay taas oo markii dambe horseedday in lugtii gaangari raacdo oo lugta laga gooyo.Laakiin ururka New England Historical Society ayaa ku sheegay in arintan ka badbadin uun tahay oo wax xaqiijinayaa jirin.



Giriin waxay dhimatey 1916 kadib markay in badan xanuunsanaysay xoolaheediina u badkeeda ayaa dhaxlay laakiin sida hooyadood dhabcaaliin may noqon.



Q: Ayaan Siciid Xasan

No comments:

Post a Comment

QISO | buraanburlaydii Nuura ||Aroos jin Baa lagu casuumay sheekadan waxay ku saabsantay gabadh buraanburi jirtay oo reer kuwayt ah Qisada o...