Thursday, April 2, 2020

Faa'iidooyinka caafimaad ee dhaqashada bisadda

Anaka oo tix raacayna maqaalka ay qoreen Mujerhoy
 Faa'iidooyinka caafimaad ee dhaqashada bisada

Faa'iidooyinka caafimaad ee dhaqashada bisada waa:-


1.Waxay yareyn kartaa halista cudurka 
wadnaha

Daraasado la sameeyay ayaa muujiyey in yeelashada bisadu ay yareyn karto heerarka walaacaaga iyo warwarka sidaas ookale halista cudurrada wadnaha. Inaad yeelato bisad waxay yareyn kartaa halista cudurka wadnaha 30% sidoo kale maskax gubadka .

2. Faa'iidooyin nafsaaniya

Saamaynta xasilloonida bisadu waxay keentaa inay  kiciso oxytocin hoormoon loo yaqaan kaas oo isna kiciso dareenka jacaylka iyo kalsoonida.
Xayawaankan dabjoogta ah wuxuu ka caawiyaa dadka waqtiyada ku jira sida murugada ama cidhiidhiga dareemaya inay uga adkaadaan dareenkooda.

Intaa waxaa sii dheer, daraasad ayaa lagu ogaaday in carruurta qabta cudurka autism ay u badan tahay in ay warwar ku yaraado iyo xasillooni badan yeeshaan marka ay la ciyaarayaan bisadaha

3.Hiinraaga bisada
hiinraaga bisaduhu waa mid ka mid ah dhawaaqyada ugu raaxada badan adduunka, in kasta oo ay ka dhigan tahay bisadu inay tahay mid faraxsan oo deggan hadana codkan ayaa sidoo kale la la xiriiray muddo dheerba daaweynta  lafaha aadanaha iyo muruqyada.

Dhawaaqa bisadaha  waxay abuuraan gariir dhowr jeer ah 20-140 Hz, daraasado la sameeyay ayaa muujiyey in kala duwanaanshaha noocyada 18-35 Hz ay ​​saameyn wanaagsan ku yeeshaan dhaqdhaqaaqa kala-goysyada ka dib markay dhaawacmaan, sidoo kale saynisyahannadu waxay bilaabeen inay bartaan sida bisadaha Hiinraageedu  ay u caawin karto aadanaha.
4. Hurdo yaraanta ayay yaraysaa

Daraasado fara badan oo UK  ah ayaa lagu ogaaday in mulkiilayaasha xayawaankaas (gaar ahaan dumarka) ay doorbidayaan la seexashada bisadahooda in ka badan lammaanahooda, waxayna xitaa caddeeyeen inay la seexdaan si ka wanaagsan lammaanahooda.


Daraasad ay sameysay Mayo Clinic Sleep Medicine waxay xaqiijisay in 41% dadka leh  bisaduhu ay sheegeen in si fiican ay u seexdaan.
5. Xanaanaynta bisadu waxay hor u qaadaa difaaca
is gaadhista maqaarka xayawaanka iyo maqaarku waxay kuu kordhinaysaa iska caabbinta xasaasiyadda, waxayna yareysaa halista xasaasiyada iyo xiiqda.
6. Waxay yaraysaa dhiikarka
Milkiilayaasha bisadaha ayaa la muujiyey inay leeyihiin cadaadis dhiig oo ka yar kuwa xayawaanka aan haysanin, taas oo ay ugu wacan tahay saamaynta dajiyaasha dabeecigaa  ee bisaduhu leeyihiin
7.Yaraynta heerarka lipid ka iyo kolestaroolka
Waxaa la cadeeyay la noolaanshaha bisadaha inah yaraynayso heerka triglyceride iyo kolestaroolka mas'uul ka ah cudurka ugu badan ee wadnaha, faalig, cudurka beerka iyo kalyaha.


Sidaas awgeed waxa uu kaa caawin doonaa haddii aadan u dhow waxaan lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay in ka badan 7 kun oo qof oo ay qabatay jaamacadda Indiana ee Bloomington in daawashada muuqaalada bisadaha ee internetka kordhiyaa tamarta dareenka togan  iyo in ay yareeyaan dareenka taban
Faa'iidooyinka caafimaad ee dhaqashada bisada

Faa'iidooyinka caafimaad ee dhaqashada bisada


Q: Ayaan Siciid Xasan

1 comment:

QISO | buraanburlaydii Nuura ||Aroos jin Baa lagu casuumay sheekadan waxay ku saabsantay gabadh buraanburi jirtay oo reer kuwayt ah Qisada o...